Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xadgudubyada lagula kaco carruurta ku nool wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, ay yihiin kuwo si aad ah looga argagaxo.
Warbixintan oo sanadle ah oo la sii daayay Isniintii shalay, ayuu UN-ku ku sheegay in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi.
“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.
Sida lagu sheegay warbixinta, tirada ugu badan ee xadgudubyada halista ah waxaa laga diiwaan galiyay Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Suuriya, iyo Yemen.
In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar.
UN-ka ayaa sheegay in cudurka coronavirus uu sii xumeeyey nuglaanta oo ay ka mid tahay caqabad ku noqoshada helitaankooda waxbarasho, caafimaad iyo adeegyada bulshada.
In ka badan 700 oo caruur ah ayaa lagu diley ama lagu naafeeyey Soomaaliya sanadkii 2020 kadib xadgudubyo ay geysteen kooxda Al-Shabaab, ciidamada dowladda, maleeshiyo beeleedyo iyo AMISOM, sida lagu sheegey warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Warbixinta ayaa xustay in 222 carruur ah la dilay halka 481 la naafeeyey. Tirada kamid ah dhibbanayaasha oo dhan 252 waxaa lagu eedeeyay Al-Shabaab halka ciidamada dowladda ay mas’uul ka ahaayeen 43 kiis.
Warbixintu waxay sidoo kale ciidanka Booliska Soomaaliya ku sheegtay in ay ka masuul yihiin 35 kiis oo lagu dhibaateeyay carruurta, halka dowlad goboleedyada kiisas intaas ka yar laga diiwaan galiyay deegaanadooda
Khasaaraha ugu badan oo gaaraya 158 kiis, waxaa warbixinta lagu sheegay inay ka dhasheen waxyaabaha qarxa ee macmalka ah waxaana ku xiga is rasaaseyn dhex martay kooxo hubeysan oo ay ku wax yeeloobeen 155 carruur ah.
Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay geysteen shan kiis, halka ciidamada difaaca Kenya ay warbixinta ku xustay saddex kiis. Waxaa jirta tiro dhan 296 kiis oo dusha loo saariyay kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in 1,442 wiilal ah iyo 53 gabdhood oo qaarkood ay da`doodu yartahay sideed sano ay qoreen Al-Shabaab iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Kiisaska badankooda oo gaaraya 1,169 waxaa qortay Al-Shabaab, waxaana ku xigay 100 kiis oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed halka 74 ka mid ah ay qorteen Ciidanka Xoogga Dalka.











