Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryenta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin, Maxamed Soomaali ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee la furaayo ama xariga laga jaraayo dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Waxuu intaasi ku daray in caqabaha ugu badan ee wadadaasi dib u dhaca ku keentay iney ka mid aheyd dhanka amaanka oo aad u adkaa iyadoo dhowr jeerna weeraro iyo qaraxyo lala bartilmaameedsaday shaqaalaha iyo Injineerada ku howlan dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha wadada haatan uu maraayo heer gabagabo ah lana gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, islamarkaana xarigana laga jari doonaan sida qorshaha dowlada uu yahay mudo 60 maalmood gudahood.











