Natiijada Doorashada Golaha Wakiilada 2 Gobol horadhac ah ee Somaliland oo Lagu Dhawaaqey.

0
365

Guddida doorashooyinka heer gobol, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada golaha wakiilada ee gobolada Togdheer iyo Awdal.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Togdheer,  xisbiga Waddani ayaa hogaaminaya oo helay 7 xildhibaan, halka xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay ka heleen 4 iyo 4 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Awdal xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, ayaa helay xildhibaano isku mid ah oo 5 iyo 5 ah, halka xisbiga UCID uu ka helay 3 xildhibaan.

Ilaa hada waxan lagu dhawaaqin oo la sugaya natiijada golayaasha baarlamaanka iyo deegaanka ee gobolada Maroodijeex iyo Saaxil, iyo natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee degmada Gabilay.

  1.