M/weynaha Puntland Saciid Deni oo Soo Magacaabey Xubnaha Gudiyada Doorashada laga Sugayey.

0
558

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee maamulka Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u gudbiyay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya xubnaha guddiyada uu magacaabay ee maamulka Puntland uga mid noqonaya guddiga doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu shaaciyay in madaxweynaha maamulka Puntland uu soo gudbiyay xubnaha guddiyada doorashooyinka uga mid noqonaya maamulka Puntland.

  1.