Gudoomiyaha Gudiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo M/weyne Axmed Madoobe Wareegto ku Magacaabey.

0
267
Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo Barakacayaasha.
Wareegtada ayaa guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo barakacayaasha waxaa loogu magacaabay Injineer Cabdi Xuseen Maxamed oo horay usoo noqday wasiirka wasaaradda Warfaafinta dowladda goboleedka Jubbaland.

Wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa lagu sheegay in sababaha loo magacaabay aay ka mid tahay markii la arkay baahida loo qabo in xal waara loo helo qaxootiga iyo barakacayaasha.

  1.