AUN Taliyihii Ururka 60’aad oo Ku Geeryoodey Dagaal ka Dhacey Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0
821

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay taliyahii Ururka 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneel Maxamed Cabdiwahaab, dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Warciise oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xaqiijiyay dhimashada taliyaha, islamarkaana sheegay inuu ku geeriyooday dagaal galabta dhacay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa gobolka Sh/dhexe ka socday dagaalo culus oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeyay ee laga helaayo deegaanka Warciise oo galabta dagaalada culus ka dhaceen ayaa sheegaya iney gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

  1.