Xasan Gucdur gudoomiyihii Deegaanka Leego ee G/sh/hoose oo Qarax Miino Lagu Dilay.

0
577

Wararka ka imanaya gobolka  degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe qarax miino lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego oo lagu magacaabi jiray Xassan Gucdur

Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha gaarigiisa loogu xiray qaraxa oo xalay saqdii dhexe lagula eegtay gudaha degmada Wanlaweyn oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa.

Ciidamada dowladda Siomaaliya ee gobolka Shabeellaha hoose oo isla xalay gaaray goobta ayaa bilaabay baaritaanno arintan la xiriira laakiin lama sheegin cid loo qabtay dilka guddoomiyaha.

  1.