Tallaal Nuuc Cusub oo Maanta La Filayo In uu Soo Gaadho Magaalada Mudisho/muxuu kaga duwanyahey kii hore?.

0
198

Sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in dowladda China ay dalka soo gaarsiiso 200.000 oo ah nooc cusub oo tallaalka Covid 19

Keenista noocan cusub ee tallaalka oo lagu magacaabo Sinopharm Vaccine ayaa waxaa horay uga heshiiyay dowladdaha Soomaaliya iyo China.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka China Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka Covid 19  shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda Shiinaha ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hortagaan.

Tallaalkan oo galinka danbe ee maanta la filayo in uu dalka soo gaaro ayaa imanaya xili uu horey dalka u soo gaaray tallaalka Astrazenica oo ay qaateen dad badan oo Soomaaliyeed.

  1.