Safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo Maanta Kulan Yeeshay.

0
327

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

kulanka guddoomiye Cumar Finish iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa looga hadlay arrimo aay ka mid ahayeen sidii loo xoojinta lahaa Mashaariicda kala duwan ee lagu hormarinaayo bilicda Caasimada dalka Soomaaliya gaar ahaana dib u dhiska wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkeynta xiriirka ka dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Safiirka dalka Turkiga ayaa sidoo kale u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir  iney sii wadi doonaan Mashaariicda Horumarineed ee dalka Turkiga uu ka wado magaalada Muqdisho.

Gabagabadii guddoomiye Cumar Finish ayaa uga mahadceliyay Safiirka Turkiga taageerada horumarineed oo aay dalkiisa la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

  1.