Safiirada Adduunka ee Soomaaliya ku Sugan oo kulan la Qaatey M/weyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

0
162

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Teendhada Afisyooni shir kula leh Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara madaxweynaha iyo wakiilada caalamka ka jooga Soomaaliya kaddib markii uu Baarlamaanku meelmariyay dhawaan muddo kororsi labo sano ah.

Dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, UK, wadamada Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hor-yimid muddo kordhinta uu sameeyay Golaha Shacabka,

Hasse ahaatee madaxweyne Farmaajo ayaa qalinka ku duugay oo saxiixay sharcigan muddo kordhinta labada sano ah oo loogu magacaabo jiheynta doorashada.

Kulanka ayaa la sheegay in uu yahay mid ay dalbadeen Wakiilada Beesha Caalamka hasse ahaatee lama oga hoos ahaan waxaa ay ka wadda hadlayaan iyaga iyo madaxweynaha.

  1.