Puntland iyo Jubaland oo Madaxdoodii Muqdisho Ka Dhoofeen Garoowena ka Degeen.

0
431

Waxaa ka dhoofay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam  oo toddobadyadii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ka tagista madaxweynayaashan ee magaalada Muqdisho ayaa imaneysa kaddib markii shalay Golaha Baarlamaanka uu muddo kordhin labo sano ah u sameeyay hay’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka oo ay madaxtooyadu ka mid tahay

Labada madaxweyne ayaa u kala duulay xarumaha labada dowlad gobolleed ee Garoowe iyo Jubbaland, iyaga oo soo saari doona go’aamo ka dhan ah muddo kordhinta Golaha Shacabka uu maalintii shalay ku dhawaaqay.

  1.