Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu isku dayday in la dilo 19 kii febraayo, kadib markii uu sheegay in hotelkii uu degenaa weerar lagusoo qaaday, balse uu ka badbaaday weerarkaas.
“Habeenkii oo dhan xabbad ayaa nagu socotay, waxaa la rabay in nala dilo kadibna la yiraahdo isku dhac ciidan ayay ku dhinteen, laakiin tabartooda ayaa u diiday mooyee, waxba nooma reeban,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay Xasan Sheikh Maxamuud in ay dulqaadkooda kaga gudbeen waxyaalo badan oo ku kalifi karay in ay caroodaan oo ay colaad iyo dagaal sakooye ka bilaabaaan Muqdisho.
“ Maalin walba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu la boodayaa qori dab leh. Anaga siyaasiyiinta ah iyo dadka magaaladan degen waaye cidda masuulka ah nabada la haysto,” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.
Madaxweynihii hore ayaa ugu dambayn sheegay in aysan weli ka tanaasulin mudaharaadkii ay ku baaqeen, isagoo sheegay in aysan marnaba ka tanaasulidoonin waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin.











