M/weyne Saciid Deni oo ku Baaqey In M/weyne Farmaajo Lagula Taliyo Sida isagu uu Rabo.

0
568

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku baaqay in madaxweyne Farmaajo lala taliyo, si uusan dalka gacantiisa ugu burburin, wuxuuna dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin wax kaste oo xal lagu heli karo.

Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay VOA, wuxuu sheegay in aysan jirin wax shaqiyadooda ku xiran oo ay ka tanaasulayaan, balse ay doonayaan in dalka lagu hoggaamiyo wado sax ah oo horseedaysa in la aado doorasho ku dhisan sharuucda dalka u yaala.

“Waxa maanta loo baahan yahay cid madaxweyne Farmaajo la hadasha oo uu wax ka maqlayo, anaga waan qaadanaynaa in naloo sheego wixii aan ku qaldanahay” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni waxa uu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo uu diiday in laga hadlo wixii ka dambeeyay siddeedii febraayo, in laga hadlo amniga dalka iyo sida ay dowladdiisu u maamulayso doorashada.

“Haddii uu madaxweynuhu doonayo in aan laga hadli karin waxyaabihii  dhacay 8da febraayo kadib, oo aan amniga dalka waxba laga weydiin karin islamarkaana uu doonayo inuu isagu doorashada sida uu doono u maamusho, hadda waayahaye maxaan kaloo hadalnaa oo meesha yaala,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ugu dambayn, madaxweynaha Deni wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan madaxweyne Farmaajo oo ay kala hadlaan masaalixda dalka iyo doorasho sharci ku dhisan in la aado.

  1.