Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho oo Sheegay In Xanuunka Covid-19 uu Sababey Dhaqaalo Xumo Soo Wajahdey G/banaadir.

0
230

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud  Filish ayaa sheegay in saameyn dhaqaale uu ku yeeshay cudurka Covid-19 maamulka gobolka Banaadir , iyadoo hoos uu u dhacay dhaqaalihii u soo xaroon jiray.

Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad uu kala qeybgalay bulshada degmooyinka Xamar Jajab Iyo Xamar Weyne kaas oo lagu qabtay xarunta Degmada Xamar Jajab.

Waxgaradka labada Degmo ayaa u gudbiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  baahiyahooda iyagoo diirada saaray dhismaha Wadooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu sare u sii kacayo dadka uu soo ridanayo cudurka Covid 19, waxaana ay bulshada ugu baaqday in ay ka foojignaadaan khatarta cudurkan.

  1.