Dawlad Goboleedka Puntland oo Soo Saartey War ay Ku Sheegayso in ay Masiirkeeda Ka Tashaneyso Hadaan 17 sep lagu laaban.

0
680
Puntland ayaa shaacisay in haddii lagu heshiin waayo doorashada oo dib loogu laaban waayo miiska wada hadalka ay masiirkeeda ka tashanayso, iyadoo ka duulaysa go’aamadii kasoo baxay shirkii wadatashiga Puntland ee bishii march ee sanadkii 2020.

Waxay sheegtay Puntland in aysan aqoonsanayn go’aamadii ay meel mariyeen barlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, kuwaas oo mudo kororsi u sameeyay hay’addaha dowladda.Puntland waxay caddeysay in hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay uu yahay, heshiiskii 17 September, kaas haddii aan lagu heshiinna ay qaadan karayso go’aan go’itaan ah.

Go’aamadan kasoo baxay Puntland ayaa lagusoo beegay xilli dowladda federalka ay kala dirtay guddiyadii doorashooyinka dadbanaa islamarkaana ay dowladdu caddaysay in aan dib loogu laabandoonin heshiiskii 17 september.

  1.