Dagaalada Muqdisho oo Qaramada Midoobay War Kasoo Saartey iyo Xaaladda ay ku Sugantahey.

0
804

Qarramada Midoobey ayaa war deg deg ah ka soo saartay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday ee Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.

“Bahda Qarramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn ayaa lagu yiri” Qoraalka ka soo baxay Qarramada Midoobay.

Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in marnaba xabadda aysan xal u noqoneyn ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan.

Saacadihii ugu danbeeyey magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsan mucaaradka oo ka soo horjeeda Jiheynta Doorashada dowladda hadda jirta,xaaladda ayaa hadda degan walaw wel welka Dagaal markale dhaca uusan meesha ka Marneyn.

  1.