Magaalada Beledxaawo oo Lagu Soo Dhaweeyey Wasiirkii Hore ee Jubaland C/rashiid Janan

0
547

Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa looga diyaar garoobayaa soo dhowaynta wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, oo heshiis rasmi la galay dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiir Janan oo bilo ka hor weerar ku ahaa Baladxaawo ayaa hadda isaga iyo ciidamadiisa waxay soo dhowayn ballaaran ka helayaan shacabka Baladxaawo oo ay weli ka muuqato raadadkii ay ku reebeen dagaaladii dhacay bishii January ee dadka badan ku dhinteen.

Heshiiska dowladdu la gashay Cabdirashiid Janan, ayaa dhigaya in dowladdu la wareegidoonto 400 askari iyo hubkooda oo uu watay Janan, kuwaas oo dowladdu u samayndoono qaramayn.

Dowladda federalka ayaa sidoo kale gobolka Gedo geysay gaadiidka aan xabbadu karin oo ay ugu talo gashay soo dhoweynta Cabdirashiid Janan.

Magaalada Baladxaawo waxaa hadda ku sugan masuuliyiin iyo saraakiil sare oo dowladda katirsan, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya xafladda soo dhowaynta Janan.

  1.