Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Dooloow ku soo bandhigtay boqolaal ciidamo ah oo horey uga tirsanaa maamul gobolleed Jubbaland, laakiin hadda ku biiray ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Gedo.
Ciidamada oo kor u dhaafaya 400 Askari iyo gaadiidkooda dagaalka ayaa ka mid ahaa ciidamadii uu hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, islamarkaana horaantii sanadkan degmada Beled-Xaawo kula dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wasiir Alcadaala ayaa u sheegay u sheegay in ciidamada in ay dhawaan ay soo gaari doonaan mas’uuliyiin ka socda Wasaarradda Maaliyada si loo mariyo hab raaca ciidamada looguna bilaabo wixii xuquuq ah oo ay leeyihiin.
Ciidamadan lagu soo bandhigay degmada Dooloow ayaa horay uga mid ahaa ciidanka dowlad gobolleedka Jubbaland ee abaabulnaa in ay Gedo ka saaraan ciidanka Dowladda ee gacanta ku haya gobolka, waxaana hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashadiid Janan oo hadda ku biiray dowladda Soomaaliya.











