Axmed Madoowe Oo Muqdisho Kula Kulmay Xubno Uu Horkacayay Cumar Filish-

0
425

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay xubno uu ka mid yahay Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Ma cadda waxa kulankaasi looga hadlay, balse qoraal la soo dhigay barta Madaxtooyada Jubbaland ku leedahay Facebook ayaa u qornaa sidan.

“Waxaan caawa la kulmay Guddiga qaban-qaabada aaska Alle ha u naxariistee Madaxweynahii hore ee dalka, Marxuum Cali Mahdi Maxamed, kuwaas oo uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.”