M/weynaha Is Maamulka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar oo Godey Ka Dhagax Dhigay Garoon Caalami ah.

0
695

Waxaa maanta magaalada Godey laga dhagax dhigay Garoonka diyaaradaha oo loogu magac daray Ugaas Miraad Layli.

Xafladda lagu dhagax dhigayay garoonkan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda degaanka Soomaalida oo u horeeyo Madaxwayne Mustafe cagjar, Maareeyaha guud ee Shirkadda Garoonada Itoobiya iyo masuuliyiin kale.

Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Shabelle gaar ahaan magaalada Godey ayaa soo dhaweeyay garoonkan maanta laga dhagax dhigay Godey.

Magaalada Godey oo caasimad u ah Gobolka Shabelle ayaa ah magaalo wayn oo leh dhammaan waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, waana caasimadda labaad ee degaanka Soomaalida.