Gudoomiyihii Degmada Hodan C/xakiim Dhegajuun Ayaa Warar Na Soo Gaarayaa Waxa ay sheegayaan in Goor dhaw Lagu diley Isaga Gabar ay wada Socdeen Magaalada Muqdisho.
Weli Lama Oga Si Xaqiiqa ah Cidda Ka Danbeysa Dilkiisa Hase ahaatee Wararka ayaa Sheegaya In Askar ka Tirsan Ciidamada Dawladda ay Rasaas ku Fureen Gaari uu Watey Sidaasna uu Ku Geeryooday.
C/xakiim ayaa La Sheegayaa in uu Maanta Dalka dib ugu soo Laabtey isaga oo debedda ka yimid Horena waxaa Qarax Miino loogu geystey Magaalada Muqdisho wallaw uu Isagu ka Badbaadey,wixii warar ah ee kusoo kordha Dilka Gudoomiyaha waan idiin soo gudbin doonaa insha allaah.











