Afar Wariye oo Somaliland Xabsiga U Taxaabtey iyo Sababta Loo Xirey.

0
741

Wararka ka imanaya gobolka Awdal ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee saakay xabsiga loo taxaabey Afar Wariye oo ka howlgalayay magaalada Boorame.

Wariyeyaasha xabsiga la dhiggay ayaa kala ah Axmed Diiriye Ciiltire, Xuseen Caateeye, Shucayb Maxamed Kaahin iyo Cabdillaahi Daahir Wacays, waxaana ay ku eedeysan yihiin ay faafiyeen warar been abuur ah.

Warbaahinta Gobolka Awdal ayaa maalmihii u dambeeyay qoraysay in Maayirka Boorama  Saleemaan Xasan Xaadi uu u baxsaday dhanka Dalka Jabuuti, wallow uu maayirku beeniyay warkaasi.

Sababta Xarigga Wariyeyaasha Ayaa Lala Xiriirinayaa Warar Ay Baahiyeen oo beryahan warbaahintu Hadal Haysey oo ah in Maayirkii Gobolka Awdal uu u Baxsadey Dhinaca Dalka Jabuuti Dawladu Wax War ah Kama Soo Saarin illaa Hadda.