Ururka Daacish oo Soo Saarey Muuaal Muujinaya Dhaq Dhaqaaqyada ay Soomaliya Ka Wadaan.

0
908

Ururka Daacish ee Soomaaliya Wilaayadda, ayaa soo saartay muuqaal  cusub oo diirada lagu saarayo in kooxda  mar kale ku dhawaaqday inay cadow ku yihiin Alshabab.

Muuqaalka cusub oo la soo duubay, waxay Daacishta ku riddaysay Al-Shabaab, Taalibaan iyo Al-Qaacida.

Daacish waxay sheeganeysaa inay fashilisay shirqoolo badan oo ay ka dambeeyaan Alshabab.

Fiidiyowgu wuxuu kaloo muujinayaa dagaal u dhexeeya labada koox ee aagga buuraleyda Al-Miraale ee Puntland, kaasoo sababay dhimashada laba dagaalyahanno oo katirsanaa Alshabaab.

Daacish waxay muuqaalka kusoo bandhigaysaa, maxaabiis, dagaalamayaal uga dhintay weeraro ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya saraakiil sare iyo askar cusub oo ay qoratay.

Waxaa sidoo kale kasoo muuqanaya hub ay kusoo furteen dagaalo iyo sida ay u qorsheeyaan weerarada.