Shir Dib U Eegis Xeerka Kalluumeysiga oo Muqdisho Lagu Soo Gaban Gabeeyey Muddo Labo Cisho Kadib.

0
940

Magaalada Muqdisho waxaa lagusoo gabagabeeyay shir socday labo maalin oo  looga wada tashanayay Dakhli-wadaagga Kalluumeysiga dalka iyo dib-u-eegista sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qayb galay Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaana qodobadii lagu heshiiyay kamid ah  in loo guntado ilaalinta noolaha iyo deegaanka badda, ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada iyo mideynta siyaasadaha Kalluumeysiga.

Puntland iyo Jubbaland kama aysan qeyb galin shirkaan.

Halkaan ka akhriso war murtiyeedkii kasoo baxay.