R/wasaare Rooble oo Puntland Tagey Si uu ugu Qanciyo Qorshaha Doorasho ee ay ka Biyo Diidanyihiin.

0
900

Wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Safarkaan oo qeyb ka ah safarro raysal wasaaruhu ku marayo caasimaddaha dowlad gobleedyada ayuu wuxuu ku saabsan yahay dardar galinta geeddi socodka doorashada iyo xallinta tabashooyinka laga muujinayo hannaanka doorashada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa shalay Garowe ugasii hormaray raysal wasaaraha, waxaana maanta magaalada Garowe laga dareemayaa soo dhowaynta raysal wasaaraha.

Raysal wasaaraha oo ay u noqonayso safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagayo Puntland, isagoo raysal wasaare ah, ayaa halkaas ku sugnaan doona muddo labo cisho ah, isagoo wada hadal la yeelandoono madaxda Puntland.

Puntland ayaa kamid ah maamulada aan weli dirin guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed, iyagoo ka walaacsan qaabka hannaanka doorashadu ku socdo.