Jubada Hoose oo Dagaal Ku Dhexmarey Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab.

0
715

Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in weerar culus ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Husingow ee gobolka Jubbada Hoose

Saldhig ay weerarreen Al-shabaab waxaa uu fariisin u ahaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM kana howlgal deegaannada Jubbooyinka.

Dad ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hub culus oo ay isweydaarsanayeen labada, hasse ahaatee lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-shabaab ayaa inta badan weerarro culus ku qaadan saldhigyada ciidamada Kenya ee gobollada Jubbooyinka iyo xudduuda Soomaaliya iyo Kenya halkaa oo ay ka geystaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.