Xisbiga Midnimo Qaran oo Qado Sharaf U Sameeyey Madax Kamid ah Xisbiyada Siyaasadda iyo Madasha Talo Wadaag.

0
1293

Ku Dhawaad 80 Xubnood oo Ka Kala Socotey Axzaabta Dalka Ka Diiwaan Gashan iyo Madaxda Ugu Sareysa Madaha Talo Wadaag Ayaa Xisbiga Midnimo Qaran Waxa uu U Sameeyey Qado Sharaf Looga Wada Hadlayey Marxalada Siyaasadeed ee Dalku Marayo iyo Sidii Loo Dar Dar Gelin Lahaa Loona Horumarin Lahaa Hawlaha Axzaabta.

Ugu Horeyntii ayaa waxaa Shika Furay Gudoonka Xisbiga Midnimo Qaran Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran C/rizaaq Waaberi iyo G/kuxigeenka Xisbiga Ibraahim Saalax Deyfallah,kadibna Waxaa Hadalka Qaatey Ex Xildhibaan Deyfalah oo Sheegay In uu ka Mahadcelinayo Sida Sharafta Badan ee Loo Ajiibay Qado Sharafta Xisbigu Sameeyey,kadibna Waxa uu Guda Galaey Ujeedka Qado Sharafta Waxa uuna Yiri:-

Mudanayaal iyo Marwooyin Xisbiyada Sharafta Leh,waan Ku Faraxsanahey In aad Maanta Nala joogtaan anagoo Idiku Yeernay Wada Tashi iyo Is Xog Wareysi In aan Yeelano Inkastoo aan Inta Badan Xisbiyada Madaxdoodu Halkan Fadhiyaan aan Si Dhaw u wada Shaqeyno,mar kastana Ilaalina Maslaxadda Guud ee Dalka,Hadana Maanta Waxaa Lagu Jiraa Waqti Kala Guur ah waxaa Waajib ah in aan ka Tashano Xaaladaha Nagu Hareereysan ee Soo Dhawaada.

Waxaana Hadalka Qaatey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga ahna Xiriiriyaha Xisbiyada Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Sheegay Mahad Celin Kadib In Loo Baahan yahey In La Tayeeyo Axzaabta Maadaama Aan Maanta Arkeyno in Garabka Nalaku Dhufanayo oo aynaan  ka Qayb gelin Nalakuna Casuumin Shirka Dhuusamareeb 3 iyo Shirar Badan oo Looga Hadlo Masiirka Dalka Hadana Kuma Nyad Jabeyno Hagardaamooyinka Iyo Isbaarada Na Hortaala,anagoo ku Sameysan Sifo Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka waafaqsan Rabitaan keena iyo Wadada aan ku Socono waa Doorasho Qof iyo Cod ah Maadaama Aan Haysanno Gudigii Doorashada,Xeerkii Doorashooyinka Dalka iyo Golayaashii Qaranka Ma Jirto Wax Nagu kalifaya Markale in aan aadno Qabiil 4.5 iyo Doorasho Qaloocan Ama Dadban waxaanan Dooneynaa Doorasho Qof iyo Cod ah.

Sidoo Kale ayaa Waxaa Goobta Ka Hadley Madax Ka Socotey Madasha Talo Wadaag Sida Wasiirkii Hore ee Duulista Hawada Saciid Qoorsheel Iyo Ambasador C/raxmaan Nuur Diinaari iyagoo Talooyin Wax ku ool ah iyo Guubaabo usoo jeediyey Madaxda Xisbiyada una Sheegay in ay Si Nabad ah Xisbiyadu Fekerkooda usoo Bandhigaan,mudaharaadyo Nabadeedna Qabtaan.

Dhanka kale waxaa Munaasabadda Ka Hadley Gud. Xisbiga Garsoor Xildh Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi,Gud. Xisbiga Shacabka,C/raxmaan Suleymaan Jaamac,Gud.kuxigeenka Xisbiga TIIR C/laahi Aadan Salaamulah,Gud. Xisbiga SNU Dr Cali Cumar Abati,Gud.Xisbiga Horumarinta Suleymaan Yuusuf Cilmi,Gud. Xisbiga Hogaanshe Axmed Sh Maxamuud,Gud. Xisbiga Sinaanta Midnimada Nabadda C/maalik Xasan Taxi,Gud.Xisbiga SAMU Sh Aweys Xuseen Honneero, iyo Madaxkale oo farabadan iyagoo Dhamaantood ka Hadley Qodobo wax ku ool ah Hoostana Ka Xariiqay In Ay gef tahey Ka Qayb geli la’aanta Axzaabta ee Wadashiyada Masiirka Dalka Ayna Doonayaan Doorasho Qof Iyo Cod ah Leh Daah Furnaan Xor iyo Xalaal ah.

Ugu Dabeyntiina Waxaa Kulanka Qada Sharafta Soo Xirey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran C/risaaq C/laahi Waaberi oo Madaxda Ku Booriyey In Kulamada Nuucan oo Kale ahi ay Bataan Lagana Wada Tashado Hadba Marxaladda Dalku Marayo,ayna Ka Midoobaan Fekerka Guud iyo Danta Caamka ah ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.