Xil Ka Qaadistii Xasan Cali Khayre oo Muddo Hal Bil ah Laga Joogo Iyo R/wasaare La’aan Weli Taagan.

0
1060

Muddo bil ah ayaa laga joogaa markii xilka laga tuuray raysal wasaarihii dowladda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku beegnayd 25-ka bishii july ee lasoo dhaafay, kadib markii barlamaanku kalsoonida kala noqday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli soo magacaabin raysal wasaare cusub oo shaqada kala wareega xukuumada xilka sii haysa ee hoggaaminayo Mahdi Maxamed Guuleed oo maalintii xilka laga tuuray raysal wasaaraha loo magacaabay sii haye.

Xisbiyada mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sababta madaxweynuhu usoo magacaabi la’yahay raysal wasaaraha, inay tahay ujeeddo siyaasadeed oo ku saabsan in madaxweynuhu meesha ka saaro kaalintii raysal wasaaraha ku lahaan lahaa xilliga kala guurka.

Soo magacaabid la’aanta raysal wasaaraha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay shirka Dhuusomareeb3, oo aysan ka qeyb galin labo maamul goboleed oo miisaan ku leh siyaasada Soomaaliya, waxayna diidmadooda ku sababeyen maqnaashaha raysal wasaaraha.