Deegaanka Baar Sanguuni oo ay Ku Dagaalameen Ciidamada Jubaland iyo Kuwa Al-shabaab.

0
819

Wararka laga helayo maamulka Jubaland ayaa waxay sheegayaan in dagaal uu ku dhex maray deegaanka Baar Sanguuni ciidamada maamulkaas oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday sida Ilo deegaanka ah ay u sheegeen warbaahinta markii Al-shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jubaland oo sameynayay socdaal dhinaca ammaanka la xariira.

Dadka deegaanka ayaa hadda ku warramaya in xaaladda ay degantahay,  ciidamada dowladdana ay wadaan howl-gallo dhinaca ammaanka lagu xaqiijinayo.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Baar Sanguuni waxaa baro ciidan ku leh ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland,  waxaase dhowr jeer oo hore duleedka deegaankaasi ay kula dagaallameen Al-shabaab.