Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka dhacay kulan u dhexeeyay culimada deegaanka iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”.
Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlayay dowrka culimada diinta Islaamka ay ka qaadan karaan dib u dhiska dowladnimada iyo wacyi-gelinta bulshada.
Ilo ku sugan Baydhabo oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in la Isla soo qaaday sidii looga hortagi lahaa falalka gurracan ee ka dhanka ah, hab-dhaqanka bulshada ee mararka qaar dhaca.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhowaan Baydhabo ay ka dhaceen falal kufsi ah , waxayna arrintaasi keentay in la dilo laba nin oo lagu eedeeyay iney ka dembeeyeen.











