Weerar ay Qorshaynayeen Al-shabaab oo Ciidamada Jubaland Sheegeen In Ay fashiliyeen.

0
599
Saraakiisha ciidamada ammaanka Jubaland iyo kuwa dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo dhinaca sugidda ammaanka la xiriira ay sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ciidamada Jubaland Aadan Maxamuud Koojaar ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in howl-gal ay ka sameeyeen deegaanno ay kamid tahay Buula Xaaji oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula dagaallameen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.Waxa uu intaa ku daray iney garab ka heleen ciidamada militiriga Soomaaliya ee ka howl-gala Jubbooyinka.

Taliye Koojaar ayaa intaa ku daray iney fashiliyeen weerarro Al-shabaab ay soo qorsheynayeen oo ka dhan ahaa Jubaland,  sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiraan war kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga jawaabayaan warka taliyaha ciidamada Jubaland.

Dhowr jeer oo hore ayeey ciidamada Jubaland iyo kuwa Al-shabaab ku dagaallameen miyiga gobollada Jubbooyinka.