Sharikadda duulimaadka ee Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa inay dib u bilawdo duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Afrika, oo ay kujirto magaalada Muqdisho, taasoo bilaaban doonta usbuuca soo socda.
Sharikadda Turkish Airlines ayaa duulimaadkeedii ugu horreeyey ee qaaradda Afirka bilowday bishan July 1deedii, ku bilowday magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Shirkadda duulimaadyada ee Turkish Airlines waxay duulimaadyada caalamiga ah dib u bilaabeen 11-kii Juun.
Turkish Airline waxay joojisay ku dhowaad dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa 27-kii Maarso taas oo ay ugu wacneyd masiibada COVID-19.
Diyaaradda Turkish Airlines waxay dhawaan bilowday duullimaadyo maalinle ah oo ay ku tagayso Qaahira oo bilaabatay Arbacadii, waxaana ku xiga saddex jeer usbuucii ah oo ay ku tagayso Nairobi 10-kii July, iyo Addis Ababa 13-ka July.











