Qaybo Kamid ah Rugaha Ganacsiga Magaalada L/caanood oo Xidhmay iyo Qab Qabasho Loo Gaystey Gaadiidka Bajaajta.

0
910
Ganacsiga badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa intiisa badan albaabada loo laabay ka dib cabsi ka dhalatay rabshado salka ku haya gaadiidka dadweynaha ee Bajaajta loo yaqaan oo maanta intoodii badnayd la qabqabtay.
Gaadiidleydan ayaa in badan lagu amrayey in ay qaataan Liisamada waajibka ku ah balse ay taas iska diideen iyagoo ku andacoonaya in aanay awood dhaqaale u lahayn maadaama ay cashuuro badan bixiyaan.
Dhalinyarada gaadiidleyda ayaa subaxii meelo magaalada ka mid ah rabshado isku deyey in ay ka sameeyaan walow ay ciidamada Booliska iyo waxgarad xakameeyeen.
Guud ahaan magaalada oo ay adeegyada bulshada ee gaadiidka ayaa inta badan waxa haya Bajaajta oo haatan ka bada sade kun taas oo si aad ah looga dereemay magaalada.
Ma jirto cid maamulka ah oo ilaa hada ka hadashay lamana garan karo go’aanka kama danbaysta ah ee ay labada dhinaca qaadan doonaan.
War Deg Deg ah : Barlamaanka Foorara Ayaa Mar Kale Ku Xad gudbey Dimuquraadiyada Curdinka ah iyo Nidaamkii Axzaabta Waxeyna Caawa Isku Raaceen In Xisbiga U Gudbaya Rasmi Laga Qaado Lacag Dhan &30.000 Laakiin Meesha Ay Ka Galaan Ayaan Ka Geli Doonaa Kuwa Arrinkaa Soo Jeediyey Waxbaa Ku Maqan Waana La Xisaabin Doonaa) ee Xisbiyadu Ha Ogaadaan Dagaalka Dhanka Barlamaanka Ka Socda.