M/weyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo Kulan Ku Yeeshay Dh/mareeb.

0
654

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanakan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dadaalada loogu talagalay in lagu xaliyo khilaafaadka daba dheeraaday ee u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Labada masuul ayaa si waji furan isku qaabilay ka hor shirka maalinta berrito u furmaya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Axmed madoobe waxay u aqoonsan tahay madaxweyne kumeel gaar ah oo xilka hayndoona muddo labo sano ah si uu jubbaland u gaarsiiyo doorashooyin.

Balse, madaxweyne Axmed madoobe ayaa ka hor yimid go’aankaan isagoo sheegay dowladda federalka in aysan wax awood ah u lahayn inay soo faro galiso doorashadii lagu doortay bishii Aagust, 2019.

Lama oga shirkaan wuxuu ka bedeli karo mowqifka dowladda ka taagan tahay arrimaha Jubbaland.