M/weyne Axmed Qoor Qoor oo Sheegay In Wajiga Labaad ee Shirka ay Kasoo Qayb Gelayaan M/weynaha iyo R/wasaarahuba.

0
1085

Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka Dhuusomareeb ay kasoo qeyb galidoonaan madaxda sare ee  dowladda federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa la sheegay inay aqbaleen inay ka qeyb galaan shirkaan oo go’aan looga gaaridoono arrimaha la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo xalay soo xiray shirka Dhuusomareeb ayaa tilmaamay in wajiga labaad ee shirka Dhuusomareeb uu maalmaha soo socda furmidoono, Galmudugna ay noqondoonto meesha dalka looga saarayo xaaladda kala-guurka siyaasadeed.

Qoorqoor wuxuu sheegay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay kusii negaandoonaan magaalada Dhuusomareeb ayna usii diyaar garoobayaan soo dhowaynta madaxda qaranka iyo shirka wajigiisa labaad.