Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Hambalyo Ku Aadan Ciidda Adxa u Direy Shucuubta Islaamka.

0
759

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa Hambalyo Ku Aadan Ciidda Ciiddal Adxaa U Diray Guud ahaan Shucuubta Islaamka Gaar ahaan Dadka Soomaaliyeed Meel Kasta oo ay Dunida Kaga Nool Yihiin.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Cali Maxamed Nuux Timajilic oo Warbaahinta La Hadley ayaa Guud ahaan Muslimiinta Gaar ahaan Soomaalida U Rajeeyey In Alle Sanadkan Kiisa Kale Ku Gaarsiiyo Horumar Barwaaqo Iyo Cibaado Suuban.

Ugu Danbeyntiina Gudoomiye Timajilic ayaa Umadda Soomaaliyeed Ugu Baaqey In ay Illaaliyaan Amniga Iyo Wadajirkooda Isuna Kaalmeeyaan Si Allaah Ugu Naxariisto Maadaama Buu Yiri ay Dalka Ka jiraan Aafooyin Dabiici ah Sida Cudurada,Dabeylaha iyo Fatahaadaha Iwm.

Ciid Mubaarik Dhamaan Madaxda Axzaabta iyo Xubnaha Xisbiyada Siyaasadda ee Dalka Kajira Meel Waba oo ay Dunida Ka Joogaan ayaa Hambalyada Ciidda Ciidal Adxaa Lagu Soo Gunaanadey.