Isagoo ka hor hadlayay fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu Guddoomiye Mursal qeexay in aysan marnaba suura-gal aheyn in madaxda maamullada ay ka hadlaan habka ay noqoneyso doorashada .
“Waxaan doorasho qof iyo cod aheyn lagama qabanayao Soomaaliya, suura-gal maaha in la aado doorasho dad badan, iyadoo Baarlamanka uu meel mariyay sharuucdii doorashada “ ayuu Guddoomiye Mursal ka hor sheegay xildhibaannada .
Dhinaca kale waxa uu sheegay in xubno kamid ah Baarlamanka oo Dhuusamareeb tegay aysan matalin aqalka hoose ee Golaha sharci dejinta .
Hadalka kasoo baxay Guddoomiya Baarlamanka ee Soomaaliya ayaa waxa uu immaanaya xilli la filayo in madaxweyne Farmaajo uu berri u safro magaalada Dhuusamareeb si uu ula kulmo madaxda maamul Goboleedyada, iyagoo ka wada hadlayo xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.











