Dalka Turkiga oo uu Ku Geeryooday Allaha U Naxariistee R/W Hore Xasan Abshir Faarax.

0
862

Xasan Abshir Faarax oo horay ra’iisul wasaare ugasoo noqday Soomaaliya ayaa ku geeroyooday dalka Turkiga sida ay eheladiisan u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Marxuumka ayaa waxa uu waayadii dembe ku xanuunsanayay waddankaasi, waxa uuna ahaa siyaasi miisaan culus oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Soomaaliya .

Allaha U Naxariistee Xasan Abshir ayaa xilligii dowalddii dhexe, bur-burka ka hor soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale 2001-dii illaa  2003-dii uu soo noqday ra’iisul wasaarahii Soomaaliya, xilligaas oo uu dalka madaxweyne Kumeel gaar ah ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Xasan Abshir Faarax ayaa kamid ahaa aas-aasayaasha Puntland, wuxuuna ahaa siyaasi si weyn looga qadariyo guud ahaan Soomaaliya

Waxa uu ku geeriyooday da’da 75 sano, sida caa’iladiisa ay sheegeen.