Cabdi Shiikh Axmed Maareyihii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Is-casilay.

0
709

Maareeyihiii hay’adda is-gaarsiinta qaranka Soomaaliya Cabdi Shiikh Axmed ayaa iska casilay xilkii oo uu muddo laba sano ah uu soo hayay.

Sida ku cad warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda is-gaarsiinta iyo teknoolajiyada Eng. Cabdi Canshuur Xasan waxaa hadda xilkaasi si KMG ah loogu magacaabay ku xigeenka maareeyaha hay’addaasi Cabdullaahi Shiikh Cabdicasiis.

Maareeyaha xilka ka tegay Cabdi Shiikh Axmed ayaa waxa uu qoray warqadda is-casilaadda ah ee uu shaqada uga tegay 14-kii, Luuliyo,2020-ka, sida lagu sheegay warka kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda Is-gaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur.

Warar hoose oo ay WARSOM heshay ayaa waxay sheegayaan in Cabdi Shiikh Axmed uu xilka isaga casilay, kadib kala aragti duwanaashiyo soo kala dhex-gashay isaga iyo wasiir Canshuur.

Hay’adda Is-gaarsiinta Qaranka ayaa waxay tahay waax muhiim oo la falgasha shirkadaha is-gaarsiinta.