Ardeyda Gobolka Banaadir oo Maanta U Fariisatey Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyda Dhexe.

0
400

Waxaa saakay ka billaabanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobollada dalka imtixaanaadkii Shaaddiga ahaa ee dugsiga Dhexe, iyadoo lagu wado iney arday badan u fadhiistaan.

Ardayda ayaa waxay galayaan imtixaan ay soo diyaarisay wasaaradda waxbarashada ee dalka,

Imtixaankaan ayaa waxa uu billaabanayaa xilli Afartii bilood ee lasoo dhaafay ay xernaayeen dugsiyada wax-barashada ee dalka, sababo la xiriira xanuunka COVID-19.

Wasiirka wasaaradda waxbrashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uu guul ugu rajeeyay guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee Imtixaanaadka fadhiisanaya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa ardayda fasalka 8aad ee birrito u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe. Waxaan idin rajeynayaa guul iyo natiijo aad ku faraxdaan.Guuleysta” ayuu wasiir Goodax ku yiri qoraalkiisa.

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sanadihii ugu dembeysay qaadeysay imtixaanaadka Shaaddiga ah ee dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiga sare.