Metelaada Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir oo Barlamaanka Aqalka Hoose Dood Ka Yeesheen.

0
322

Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya oo maalintii lixaad oo xiriir ah maanta kulan ku yeeshay Muqdiso ayaa waxay aad uga hadlen arrinta matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ah kii 9-aad ee kalfadhigii 7aad ayaa waxaa shir Guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, waxaana kasoo qeyb galay mudanayaal gaaraya 174 xildhibaan .

Doodda ugu badan ee xildhibaannada hadlay ayaa waxay diiradda ku saareen inta kuraas ee matalaad ahaan aqalka sare loo siin karo Gobolka Banaadir, waxayna badi soo jeediyeen in la siiyo 13 kursi.

Arrinta matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ayaa waxay tahay mid si gaar ah xiisa ugu leh bulshada Soomaaliyeed, waxaana la eegayaa waxa ay Baarlamanka aqalka hoose meel mariyeen .