Faragelin Saameysay Xeerka Doorashooyinka oo Xubno Ka Tirsan Aqalka Sare Ku Eedeeyey Madatooyada.

0
24

Xubno kamid ah aqalka sare oo qeyb ka ahaa guddi loo magacaabay dhameystirka afar xeer oo ka dhimanaaa sharciyadda doorashooyinka, ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Soomaaliya inay wax ka bedel ku sameysay xeerarkaan iyadoo adeegsanaysay xubno katirsan guddigooda.

Waxay wax ka bedelkaan ku tilmaameen inay tahay arin siyaasadeed oo lagasoo abaabulay madaxtooyada islamarkaana lagu doonayo in lagu majaxaabiyo sharciyadda Doorashooyinka Soomaaliya, si dano gaar ah loogu fushado.

Hadalka Senatoradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta lagu wado in barlamaanka Soomaaliya uu go’aan ka gaaro xeerarkaan iyo arimaha kale ee ku xeeran doorashooyinka marka uu dhegaysto warbixnta guddiga doorashooyinka.