Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in 3 xubnood oo kamid ah shaqaalaha howlgalka midowga yurub ee Soomaaliya laga helay COVID-19.
Danjire Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Bukaannada lagu go’doomiyey goob caafimaad, kuwa ay la soo xiriireenna wuxuu sheegay in sidoo kale la karantiilay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo shaqaalaha ururada iyo hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgalla laga helo cudurka Coronavirus.











