M/weynaha Puntland iyo Kuxigeenkiisa oo Khillaaf Soo Kala Dhex Galey.

0
608

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa isku khilaafay xil ka qaadista taliye ku xigeenka ciiddanka madaxtooyada Puntland, kadib markii madaxweyne Deni uu magacaabay saraakiil cusub.

Khilaafkaan ayaa dibedda usoo baxay kadib markii xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ay kasoo baxday warqad lagu diidan yahay xilka qaadista gaashaanle sare Cabdiqani Maxamed Xarbi, iyadoo loo sababaynayo wadatashi la’aan uu sameeyay madaxweynaha.

Axmed Karaash ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inay soo noqnoqtay wada tashi la’aanta marka uu sameynayo magacaabis ama xil ka qaadis.

Waa markii labaad oo madaxweyne ku xigeenka Puntland uu kasoo horjeesto magacaabis uu sameeyo madaxwyenaha Puntland.

Bishii August ee sanadkii hore ayay ahayd markii Axmed Karaash uu kasoo horjeestay magacaabida guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah, kadib markii uu ka cowday la tashi la’aan.