Lix Ruux oo Ku Dhimatey Diyaarad Galabta Bardaale Lagu Soo Riday Laguna Eedeeyey Ciidamada Ethiopia.

0
1012
Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka dhacay shil diyaaradeed sababay dhimashada lix qof oo saarnaa diyaaradda African Airways oo sida la sheegay halkaasi gaarsiisay agab caafimaad oo loogu talogalay shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Hadaba waxa ay warar is khilaafsan kasoo baxeen sababta shilka ku yimid diyaaradda.

Warbaahinta ayaa la xiriirtay madax ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si aan u helno xog sugan oo ku saabsan shilkaasi.

Mid kamid ah saraakiisha sar-sare ee Koonfur Galbeed oo codsaday in aynan magaciisa xigan sababo la xiriira in uusan u idmanayn in uu warbaahinta xog la wadaago ayaa sheegay in shilku ahaa gantaal lala beegsaday diyaaradda oo ay Ciidamada Ethiopia Diyaaradda Ku Rideen

“‘Inkastoo ay baaritaannadu socdaan oo ayadoo faahfaahsan warbaahinta kala wadaagi doono haddana xogta aan heleeyno 90% waa in ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka in ay gantaal ku dhufteen diyaaradda,” ayuu sargaalkan u sheegay Warbaahinta,Waana Arrin Laga Xumaado In Diyaarad Smafal Iyo Gargaar Sidey ay Beegsadaan Ciidamada Halkaasi Ku Suga ee Kasoo Jeeda Dalka Ethiopia.

Mar aan weeydiinnay sababta ay arrintaasi ku dhacday, ayuu sheegay in ilaa hadda aysan garanayn, balse baaritaanka kadib la ogaan doono,Iyadoo Warar Kale ay Sheegayaan In Ciidamada Ethiopia Ku Andacoodeen In aan Lala Socodsiin Imaatinka Diyaaradaasi Sidaasna Ku Bar tilmaameedsadeen,Taas oo Dhaawaceysa Madaxbanaanida Dhulka iyo Hawada Soomaaliya.

Howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidanka Itoobiya iyo Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya Iyo Madaxda Dawladda Soomaaliya weli kama hadlin arrintan,Wixii Warar ah ee Kasoo Kordhana Waan Idinla Wadaagi Doonaa Insha allaah.