Kormeerihii waxbarashada gobolka Nugaal ee dowlad goboledka Puntland Cumar Guure ayaa maanta u geeriyooday cudurka Coronavirus, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin latirsan Puntland.
Masuulkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray xarunta lagu hayo dadka qaba Covid19 ee magaalada Garowe, kadib markii laga helay cudurka safmarka ee Coronavirus.
Waa masuulkii ugu horeeyay ee katirsan Puntland oo cudurka u geeriyooday Allaha Naxariistiisa Jano Haka Waraabiyo Isaga Iyo Intii Muslimiin ahba.











