Taliyaha guud ee ciidamada booliska Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa waxa uu taliye boolis u magacaabay Maamulka Galmudug, oo maalmihii lasoo dhaafay saraakiisha sare ee booliska maamulkaasi is eedeynayeen, islamarkaana uu jiray khilaaf sababay inuu isku casilo xilikii taliyahii saldhigga magaalada Dhuusa-mareeb oo Caasimad u ah Galmudug.
Taliye Xijaar ayaa waxa uu xilka taliyaha booliska Galmudug u magacaabay Janaraal Bishaar Abshir Geeddi oo horay xilal kala duwan ugasoo qabtay booliska Soomaaliyeed.
Janaraal Bishaar Abshir ayaa horay usoo noqday taliyahii qeybta booliska Gobolka Banaadir, taliyaha dembi baarista CID-da iyo jagooyin kala duwan.
Waana sargaal ay shaqadiisa aad uga dhex-muuqatay booliska Soomaaliyeed sanadihii dembe.
Magacaabistiisa waxay imaaneysaa xilli saraakiisha sare ee boolisa Galmudug qaarkood uu u dhexeeyo khilaafaad sababay in xubno sare ay shaqadii ay hayeen iska casilaan, waxaana la eegayaa sida shaqada dhinaca ammaanka iyo tan khilaafka saraakiisha uu ugu guuleysan lahaa inuu xalliyo.











