34 Xaaladood Covid-19 oo Maanta Wasaaradda Caafimaadku Diiwaaan Gelisay.

0
846

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxey soo-saartay warbixintii maalilnaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka COVID-19.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka marwo Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay  soo duubtay muuqaal ay uga hadleyso xanuunka, waxayna ku sheegtay warbixin lala wadaagay warbaahinta Soomaaliya in maanta oo qura Soomaaliya laga diiwaan-geliyay 34 xaalad oo cusub,  waxaana bogsaday 17 ruux, halka ay u geeriyoodeen xanuunkan 3 qof.

Dr Fowsiya Abiikar nuur ayaa waxay warbixinteeda ku tilmaantay in kiisaska u badan laga helay magaalada Muqdisho,  iyadoo 27 laga diiwaan-geliyay,  halka 7 xaaladna laga helay maamulka Puntalnd.

Wadarta guud dadka Soomaaliya uu asiibay Coronavirus ayaa waxay gaarayaan 756 qof , waxaa u geeriyooday 35 qof halka ay ka bogsadeen 62 ruux.