Xisbiga Maandeeq oo Ku Baaqey In La Caawiyo Dadka Danyarta ah ee Ku Xaniban Guryahooda.

0
1345

Kulan ay Maanta Yeesheen Madaxda Xisbiga Maandeeq ayaa Waxaa Looga Hadley Xaaladda uu Dalku Marayo iyo Duruufaha La Soo Gudboonaadey Dadka Danyarta ah ee Guryahooda Ku Xaniban Tan iyo Markii ay Soo Ifbaxeen Digniinaha iyo Wacyigelinta La Xiriirta Xanuunka Covid-19.

Kulanka oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Xisbiga Maandeeq Mahad Diiriye ayaa Waxaa Dawladda iyo Ganacsatada Loogu Baaqey In si Deg Deg ah Dadka Guryaha Ku Xaniban Kaalmo Loola Soo Gaaro,Hadii Kale Ay Ka Dhalan Karaan wax Ka Daran waxa Laga Baqayo ee ah Faafidda Xanuunka Covid-19.

Ugu Danbeyntii Xisbiga Maandeeq oo Kamid Ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka ka Jira ayaa Cabiraya Aragti Siyaasadeed oo Ka Dhex Muuqata Sida Dawladda Fderalku u Wajaheyso Xanuun Rabbaani ah oo aan Qofna Ka Dhuuman karin Iyadoon Shacabkii Wax Taakuleyn iyo Adeeg Dawladeed Heleyn,Taas oo ah Dareen Kasoo Maaxdey Maxda iyo Hogaanka Xisbigan oo u Badan Dhalinyaro Rag iyo Haween Isugu Jira.