Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa oo Kulan La Qaatey Gudiga Shaqaalaha Rayidka ah.

0
755
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabbilay guddiga qaranka ee Shaqaalaha Rayidka.
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo ay weheliyeen dhammaan xubnaha guddiga ayaa warbixin ka siiyay wasiirka howlaha guddiga.
“Maanta in dhammaan xubnaha guddiga shaqaalaha rayidka ay ku suganyihiin wasaaradoodii oo dib u dhis iyo horumar ballaaran uu ka muuqdo, waa arrin taariikh inoo leh – waxaan uga mahadcelinaynaa wasiirka sida sinnaanta iyo isku midka ah ee wasaaradda iyo guddiga uu uga shaqeynayo,maaddaama labadaba uu maamullo, taas waxaa caddeyn inooga filan sida joogtada ah ee wasiirka uu guddiga uga warhayo una booqdo xarunta guddiga.” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, Mudane Xasan Abshirow.
Xildhibaan Sadiq Warfa, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa guddiga uga mahadceliyay shaqada ay qaranka u hayaan, wuxuu si cad u sheegay dadaalka u badan inuu xilligan galinayo horumarinta guddiga iyo sidii guddiga uu ku heli lahaa xarun u gaar ah oo la dhiso.
“Guddiga wuxuu muhiimad u leeyahay horumarinta shaqaalaha, waa qodob ka mid ah waxyaabihii aan diiradda saareynay markii aan xilka la wareegay, waxa aan mar kale idin sheegayo ayaa ah hadda inay iga go’ansatay sidii guddiga uu ku heli lahaa dhisme u gaar ah iyo horumarinta howlwadeennadiisa si la mid howlwadeennada wasaaradda oo horumarin ay ku socoto.” ayuu yiri Wasiir Sadiq Warfa.